hada Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ayaa qoraal kooban
oo uu caawa soo saaray waxa uu uga hadlay marxaddda Soomaaliya ee sanad kadib qorshii
gaaridda barta kama dambeynta ah ee deyn cafinta Mudane Wasiir Biixi ayaa qormadiisa ku bilaabay sidatan,
“Maanta oo kale sanad ka hor, waxa ay ii ahayd sharaf in aan goob joog u ahaado iyadoo uu
na wehliyo Madaxweynaha JFS Mudane Hassan Sheikh Mohamud guul taariikhi ah oo ay
Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed gaareen taas oo aheyd in nalaga cafiyay deyn
gaaraysay 5-Bilyan oo Doolar, taas oo cuuryaamisay horumarka dhaqaalaha Soomaaliya,
xiligaasi waxa uu ahaa gaba gabada halgankii dib-u-habaynta Maaliyadda oo lagu guulaystay kadib muddo toban sano ku dhow oo uu soconayay.
Sannad ka dib, waxa aan si guul leh u wada xoojinay oo aan ku heshiinnay baabi’inta
deymaha ay la haayeen dalalka ku midaysan magaca 𝐍𝐚𝐚𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐏𝐚𝐫𝐢𝐬 oo aan saxiixnay
heshiisyo is xig-xiga, sidoo kale waxa aan wadiiqo lamid ah taas oo kale la galnay dalalka
aan ka midka aheyn Naadiga ee loo yaqaano 𝐍𝐨𝐧-𝐏𝐚𝐫𝐢𝐬 𝐂𝐥𝐮𝐛, intaasi waxaa sii dheer
iyada oo ay jiraan caqabado dhaqaale hadana wax deyn cusub ah Dowladda Soomaaliya ma
galin muddadaas Sanad ka ah, innagoo ilaalinay xasilloonida dhaqaalaha guud ee dalka,
sare u qaadidda dakhliga, sii wadidda dib-u-habaynta Maaliyadda iyo xoojinta maamul-wanaagga Maaliyadda.
Dowlad ahaan waxa aanu ku sii adkaysanaynaa sii wadidda qorshe yaasha dib-u-habaynta
iyo kobcinta dakhliga si aan u maalgalino adeegyada aas-aasiga ah ee bulshada oo ay ku
jiraan shaqaaleysiinta macalimiin badan iyo maalgalinta adeegyada caafimaadka”.