Guriga hooyooyinka ee maanta dowladda bixisay waxaa iska lahaa (sida la sheego) taliyihii
ciidanka qalabka siday ee soomaaliyeed sarreeye gaas Maxamed Siyaad Barre ee talada dalka la wareegay 1969.
Waxay taariikhda iyo kutubadda la qoray ama wareysiyada ay taariikhyahannadu bixiyeen
ku qoran inuu hanti oo dhan ka lahaa labo dhul. Dhulkii koowaad oo yaallay degmada
Hodan wuxuu siiyay shaqaalaha soomaaliyeed, waana dhulka uu hadda uu ka dhisanyahay xafiiska hey’adda socdaalka iyo jinsiyadda.
Dhulkii labaad waa kan hooyooyinka wuxuuna siiyay haweenka soomaaliyeed.
55 Sannadood kadib, haddii ay dowladda soomaaliyeed maanta haweenkii ka qaadeeyso
dhulkii madaxweynahoodu siiyay nus qarni ka hor, oo dano shaqsi lagu fashunayo, waxaa
lagama maarmaan ah in dhulkaas loo celiyo qoyskii reer Maxamed Siyaad Barre ee markii hore u bixiyay in qaranka loogu adeego.
Haddii-se aanay dowladdu gabdhihiina u dhaafin, qoyska reer Maxamed Siyaad-na dib ugu
celin waxaa u furan reer Jaalle Maxamed Siyaad Barre in ay gal-dacwo ka furtaan
maxkamadaha dalka oo ay dib u sheegtaan dhulkoodii oo telefeshinka si LIVE ah looga
daawado Bisle Hassan Mohamed oo inuu faqri baxo u qarka u saaran.Gurigaan taariikho
badan ayuu soo maray oo qeyb kamid ah Abwaan Guure ayaa mar waxeeystay waloow aan
arkay warqad caddeeyneysa inuu kiro bixiyo mase hubo warqad fake ah ama sax ah midda ay aheyd.
Wasiiradda/wasiirka haweenka ee dhulka gabdhaha dhacaya wuxuu gabdhaha soomaaliyeed
horay uga soo dhacay, xildhibaan iyo wasiir waxaase taariikhi ah in
wasiiraddaan/wasiirkaan gabdhaha uun ka adag ee aan abid furin dagaal xaadirin inuu
yahay kan/tan ugu darajada sarreeya shanta soomaaliyeed oo la isku geeyay.