Wasiirka Shaqada Iyo Arimaha
Baydhabo – 26/11/2024 Wasiirka Shaqada Iyo Arimaha Bulshada Dowladda Koonfur
Galbeed Somalia Mudane Abdulkadir Omar Abdullahi ayaa kulan is xog wareysi ah la
qaatey madax ka socota hey’adda Samafalka NRC ayaa sheegtey in ay fulisey sanadkaan
gabgabada ha mashruucayo fara badaan oo bulshada waxa tar u leh.
Sidoo kale kulanka waxaa looga hadley mashaariicda cusub ee la xiriira daryeelka Bulshada
oo la filaayo in laga hergiliyo deegaanada Maamulka Koonfur galbeed soomaaliya si ay uga
qeyb qaataa dhamaaan bulshada ku dhaqan deegaanada KGS ayna wax uga badasho hab noladeedkooda caadi ah.
Waxaa kulanka xooga lagu saaray sidii loo hirgelin lahaa mashaariic shaqo abuur ah oo la jaan qaadaya shaqooyinka xiligan loo baahan yahay loona abuuro bulshada qeybaheeda kala duba sida Haweenka, dhalinyarada, odayaasha dhaqan iyo dadka naafada ah.