Labo arrimood-ba waa inaan ku niyad-samaannaa guulna ka filannaa kulamada Ankara ka soconaya.
[1] Taariikhdiisa-san iyo hiilkiisa hagarta ka hufan, ma shareeysan karo Gal-soomaali
leedahay oo uu gacanta ku hayo Madaxweyne Rajab Dayib Erdogan isaguna maamulayo.
[2] Marka saaxiibtinnimada labada dal laga soo tago, innaga iyo Turkiga waxaa naga
dhexeeya heshiis dhigaya in Turkigu difaaco dhulka, cirka iyo badda soomaaliyeed.
[3] Madaxweyne Xasan Shiikh cillado badan oo uu leeyahay waa jiraan oo anigaaba
soomaalida nool ugu sheegis badan, haseyeeshee arrinta qadiyaddii damaca waalan ee
xabashida iyo difaaca midnimada dalka iyo badda soomaaliyeed la xariirta wuxuu
madaxweynuhu uga shaqeeyay si naf-hurnimo leh oo uu ammaan iyo in taariikhda baal
dahab ah looga xuso uu ku mudanyahay mana ahan markii koowaad ee uu arrin qadiyad
qaran ah uu sidaas uga libin keeno maah-maah soomaaliyeed ayaa tiraahda, Gaal dil, gartiisana sii).
Qodobkeyga seddexaad ee kor ku xusay waxaa xoojinaya sida uu Xasan Shiikh u difaacay
badda soomaaliyeed ee uu maxkamadda caalami ah ee HEEG u geeyay 10 sano ka hor taas
oo ugu danbeyn naloo xukmiyay markii ay dowladdii isaga ka danbeeysay dhameeystirtay,
waxaana xasuusteeydu ii sheegeeysaa in madaxweynihii xilligaas [Farmaajo] uu
qudbaddiisa habeenkii guusha badda uu ku ammaanay madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud.
Ninka seddexaad ee kaalin geesinnimo leh arrintaan ka ciyaaray waa Wasiir Axmed Macalin Fiqi (Maguire). Guul soomaaliyeed Ankara ka filo.