Soomaaliya iyo Turkiga oo kala saxiixday Heshiiska Wareejinta Maxaabiista Xukuman iyo Heshiiska Kaalmada Sharciga ee Isku Kaashiga Dacwadaha Dembiyada.
Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS, mudane Xasan Macallin iyo wasiirka
Cadaaladda Turkiga, mudane Yılmaz TUNÇ ayaa magaalada Ankara ee dalkaTurkiga ku kala saxiixday Heshiiska Wareejinta Maxaabiista Xukuman iyo
Heshiiska Wareejinta Maxaabiista Xukuman ayaa suurta-gelinaya in maxaabiista ku
xukuman Soomaaliya ama Turkiga loo wareejiyo waddankooda hooyo si ay ugu
dhamaystaan xabsigooda, unala sii joogaan qoysaskooda iyo deegaanka ay yaqaaniin.
Heshiiska Kaalmada Sharciga ee Isku Kaashiga Dacwadaha Dembiyada wuxuu dejinayaa
nidaam iskaashi oo u dhexeeya labada dal si loogu wada shaqeeyo dacwadaha dembiyada,
oo ay ku jiraan isweydaarsiga caddeymaha, fulinta codsiyada maxkamadeed, iyo la-dagaallanka dembiyada caalamiga ah.
Heshiisyadani waxey ka tarjumayaan saaxiibtinimada waarta ee u dhaxaysa Soomaaliya iyo Turkiga iyo dadaalkooda wadajirka ah ee lagu horumarinayo nabadda, cadaaladda, iyo fahamka wadajirka ah ee heer caalami.