Qoraal uu Qoray agaasimaha Qorsheynta ee HQBQ oo imika Madaxweyne Cirro U bedelay Wasaaradda Dib u dejinta iyo Arrimaha Bani-aadannimada
Guddoomiyaha xukuumaddiisu dhacday isaga oo aanu jirin sharci u bannaynaya waxa uu ku kacay arrimo aan loo dul qaadan karin oo fool xumo ku ah nimaadka dawladnimada.
Waxa uu si cad uga hor yimi in uu xilka ku wareejiyo muddaddii loo qabtay oo ahayd saddex cisho isaga oo sheegay in uu Todobaadka dambe
wareejin doono arrintaasi oo ka hor imanaysa amarkii amdaxweynaha JSL
Waxa uu gebi ahaanba xafiiska uu ka saaray 4 gaadhi oo ah kuwii ay Hay’adaha Caalamiga ah ee la shaqeeya Hay’adda Qaxoontiga Iyo
Barkacayaasha Qaranka JSL ay keeneen si loogu adeego Bulshada nugul ee Hay’addu u shaqayso. Baabuurtaasi oo aan ilaa hadda la garanaynin
meel la geeyey iyaga oo aan wasaaradda dhexdeeda lagu arag tan iyo markii lagasoo noqday Ololihii Doorashada madaxtooyada iyo Xisbiyada
qofkii weydiiyana dagaal gacan kahadal ah ayuu kala hor imanayaa sida aniga oo agaasimaha Qorsheynta ahba uu iila dagaalamay dhowr jeer oo kala duwan.
Waxa uu soo saaray warqad uu ku qoray #Taariikh been ah sida ka muuqata sawirka hoose, warqadaas oo uu kusheegayo in uu xilkii
agaasimaha Qorsheynta igaga qaadayo islamarkaana uu u magacaabay inanta magaceedu ku xusanyahay warqadda kadib markii aan u sheegay
in aanu sharci u lahaynba islamrkaana aanan wareejin doonin xafiiska waxa uu isoo kaxaystay Askar oo uu ku yidhi xidha balse taasi wey
suurto geli weyday kaddib markii askartu ogaatay xaqiiqda ee ay shaqaalihii Hay’addu u caddeeyeen waxa meesha ka dhacay.
Inanta uu xafiiska uu sheegay in uu u magacaabay waxa ay shaqada
joogtay muddo 2 Bilood ka yar oo waxa ay noo timi wakhtigii Ololaha lagu jiray.
Waxa uu gebi ahaanba Jabiyey Xafiiskii Qorsheynta Hay’adda isaga oo ka beddelay Qufulkii waxaanu Qaatay Documentkii iyo Computers kii
yaalay Xafiiska arrintaasi oo caddayn u ah hawlo Musuqmaasuq oo baahsan oo uu wado Ex Guddoomiyihii hore ee HQBQ.
Waxa muddo 5 Bilood ah ka maqan shawaalaha HQBQ ee ku shaqeeya maashaariicda Hay’aduhu kala shaqeeyaan gunnooyinkii isaga oo si cad
u sheegay in ay ku maqantahay Hay’adda balse taasi ay noqotay been cad ee ay isaga ay ku baxday.
Qaybo ka mid ah caddaymaha ka eeg xagga hoose.
tirsan Xisbiga Kulmiye. Hawlahaasi oo dhami waxa ay dhacayaan kaddib ku dhawaaqistii Natiijada Doorashada madaxtooyada JSL.