Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya Mudane Ahmed Said
Mohamed ayaa maanta kulan la yeeshay saraakiisha xafiiska daabacaadda baasaboorrada si
loo dardargaliyo hawlaha socda iyo horumarka laga gaaray howlaha adeeg bixinta baasaboorrada.
Intii uu socday kulanka, saraakiisha daabacaadda baasaboorrada ayaa soo bandhigay
warbixin faahfaahsan oo ku saabsan habsami u socodka shaqada xafiiska, caqabadaha
haysta iyo guulaha la gaaray bilihii la soo dhaafay. Xafiiska daabacaadda ayaa soo
bandhigay sida ay ugu heellan yihiin in ay si waqtiyeysan oo hufan u daboolaan baahiyaha
baasaboorrada ee muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool gudaha iyo dibadda.
Agaasimaha Guud ayaa bogaadiyay dadaallada Xafiiska iyo shaqaalaha ka shaqeeya iyo
sida ay ugu go’an tahay in ay bulshada ugu adeegaan. Sidoo kale Agaasimaha Guud ayaa ku
adkeeyay muhiimadda ay leedahay dardar-gelinta hawlaha maalinlaha ah si loo daboolo baahida sii kordheysa ee baasaboorrada loona hagaajiyo adeegyada.