Baydhabo, 2 November 2024:- Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka DKGS Mudane Dr.
Ibrahim Adan Ali (Somow) oo ay weheliyaan qaar ka mid ah shaqaalaha Wasaaradda
Caafimaadka ayaa booqasho ku tagay Isbitaalka bayhaaw oo ku yaal Magaalada
Baydhabo.Booqashadan ayaa waxay qeyb ka tahay kormeer guud oo ujeedadeedu tahay in
lagu hubiyo tayada iyo adeegbixinta caafimaad ee ay ka faa’ideystaan bulshada iyo in la
ogaado baahiyaha iyo caqabadaha ku horgudban adeeg bixinta caafimaad.
Agaasimaha Guud ee wasaaradda caafimaadka DKGS Dr Ibraahim Aadan Cali ayaa la
fadhiistay maamulka isbitaalka oo uu hogaaminayay Agaasimaha isbitaalka Bayhaaw Dr Abdullahi Mayow, isagoo ka dhageystay warbixin mug leh oo ku qotonta baahiyaha iyo
horumarada isbitaalka, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo shaqaalaha kale ayaa booqasho ku maray dhammaan qeybaha uu ka kooban yahay isbitaaka.
Ugu dambeyn, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Dr Ibraahim Aadan Cali
ayaa bogaadiyay guud ahaan shaqada ka socota isbitaalka iyo howlwadeenada isbitaalka oo ah kuwo shaqadooda u gudanaya si hufan.
Kormeerkan ayaa wuxuu qeyb ka yahay qorshaha guud ee wasaaradda, si loo gaaro hiigsiga Wasaaradda Caafimaadka DKGS.