Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo la kulmay Taliyaha Booliiska
Federaalka Dowladda Jarmalka Wafdiga uu hoggaaminayo Agaasimaha Guud HSJ Mudane
Axmed Siciid Maxamed oo safar shaqo ku jooga dalka Jarmalka isla markaana ay
wehlinayaan Safiirka iyo Safiir kuxigeenka Jamhuuriyada Dowlada Federalks Soomaaliya
ee dalkaas ayaa kulan gaar ah kula qaatay xafiiskiisa taliyaha ugu sarreeya booliiska federaalka ee wadanka Jarmalka.
Agaasimha oo halkaas ay kaga wadahadleen arrimo muhiim ah oo la xiriira wadashaqaynta
labada dal ee dhinacyadda socdaalka gaar ahaan iskaaashiga ku dhisan khibrad wadaagga iyo dhismaha aqoonta saraakiisha ka shaqaysa Socdaalka.
Dowladda Jarmalka oo xiriir qoto dheer ah la leh dalkeenna ayaa horumar ka gaartay
adeegsiga teknoolijiyadda casriga ah taas oo qayb wayn ka qaadatay horumarinta socdaalka
iyo ilaalinta xuduudaha, waxaana Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ka faa’iidaysanaysaa khibradda iyo waayo aragnimada dalkaas u leeyahay dhanka horumarinta adeegga Socdaalka.