Waxay culimadu odhan jireen, 3 arrimood baa maskaxda koriya: Maankoo la shiilo, buugta
mufakiriintu qortay oo la akhriyo iyo qofka oo dhugmo iyo soojeed u yeesha tajaarubta nolosha.
Akhrisku, waxa uu i baray sida uu qoraagu tawstiisa iyo tiiraanyadiisa illinta ugu qoro, ee uu u taaho isagoo aad moodayso hooyo ummulaysa.
Akhrisku, waxa uu qalinka qoraaga dhexdiisa igu baray, sida uu erayga ugu xarragoodo ee uu hab-dhaca, hab-raaca iyo kala hormaynta ugu sameeyo.
Waxa uu i baray, sida uu qoraagu dhigaalkiisa u habeeyo, u haykaleeyo, u hagaajiyo, u
hannaaniyo iyo sida uu hummaagyada iyo midabbada layaabka leh ugu sameeyo.
Akhrisku, waxa uu daaqad iga tusay sida uu qoraagu sida fudud ugu hanto khayaalka iyo malawaalka akhristaha ee uu kolba halka uu doonayo u gayn karaayo.
Akhrisku, waxa uu i baray sida uu qoraagu dooddiisa u qotomiyo, sida uu u qodobbeeyo,
sida uu u qeexo, sida uu u qurxiyo iyo sida uu u quraarado ee uu qallooca uga jiro.
Akhrisku waxa uu i fahamsiiyay sida uu qoraagu erayga u tidco, sida uu u sooho iyo sida, haddii la doono uu mid cusub u tuman karaayo.
Akhrisku, waxa uu i baray qiimaha qalinka iyo awoodda erayga. Akhrisku waxa uu i baray,
marka ay kulmaan niyad san, fikrad qumman, qalin looshan, eray cuddoon, hibo tayo
hagayso iyo maskax taqasus aqoomeed leh, in ay dhalan karaan xikmado iyo aragtiyo
kacaansan oo sida dhibicda roobku, dhulka doogga uga soo saarto, si la mida maanka
dadka ee abaarsaday irmaaneyn kara oo wacyi iyo rajo u bauuri karta.