Cali Yare Cali
Bidix: magaciisu waa Xasan, waxaa lagu doortay doorasho sharci ah, oo xor ah, waana
madaxweynaha sharciga ah, wuxuu ku suntanyahay tuugeeysi, toleeysi kan ugu hooseeya,
Hawiye, Abgaal iyo Waceysle cadde kalama jeedo ee jilibkiisa ugu hooseeya iyo tagtadiisii hore oo taariikh madoow ah.
Waxaa tusaale u soo qaata qofkasta oo tilmaan ka bixinaya hoggaamiye ilaah gaajo ku
ibtileeyay, naxariis-darran oo xishoodka ka tagay XIGASHO; sida uu horay usheegay
wasiirkiisa arrimaha dibada seedi Maguire — nasiib wanaag waxaa jira xoog iyo xeelad
ciqaabtiisa iyo xanuunkeeda lagu dhadhansiin karo markii muddo-xileedkiisu dhamaado ee la gaaro 15 May 2026 (sidii dhici jirtay).
Kan midig: Magaciisu waa Axmed Madoobe, Sharci laguma dooran, in lagu doortana ma
ogola, noole dhaqaaqa iyo dhir cagaaran midna kama nabad-gelin, xataa qofka difaacaya dood kaqabo inuu khaa’inul-waddan gaamuray yahay.
ISBAR-BARDHIG: Waxaa jirta maahmaah tiraahda; haddii hebel iyo hebel kee roon la
yiraahdo, (kalama roonayaal ayaa la yiraahdaa); iyada oo ay maahmaahdaasi jirto, hadana,
tuug iimaan-laawe ah oo sharciyad ay soomaali oo idil siisay wata, oo aad garaneeysa
goorta aad iska ceeyrin karto sidii 08 February 2017 ayaa ka khasaaro yar khaa’inul-wadan
inuu abidkiis ku gumeeya hadba kaarka gafuurkiisa u soo badasha.
TALO:Waa inaan garbo-siman u wadnaa dagaalka labadaan, innaga oo u kala xoojineeyna sida ay khasaaradoodu qaranka ugu kala culustahay.
Ma u cadaalad falay labada kalama-roone? Waa sida uu hadalka u dhigey