Dowladaha Soomaaliya iyo Tanzania ayaa maanta magaalada Muqdisho ku kala saxiixday heshiisyo iskaashi oo ku saabsan dhinacyada Difaaca, Cilaaqaadka, Dalxiiska iyo
Caafimaadka, waxaana MOU-gaan kala saxiixday wasaaradaha dowladda federaalka ee dhinacyadaas u xil-saaran iyo masuuliyiin sare oo ka socota dalka Tanzania, kuwaas oo ku sugan magaalada Muqdisho.
Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa heshiiskaan u saxiixay Wasiirka Arrimaha
Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Axmed Macalin Fiqi, Wasiirka
Gaashaandhigga Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka
iyo Dalxiiska Mudane Daa’uud Aweys Jaamac iyo Wasiirka Caafimaadka Dr. Cali Xaaji.
Wafdiga Tanzania ee saxiixa heshiiskaan Muqdisho u yimid waxaa hoggaaminaya Wasiirka
Arrimaha Dubedda Dalka Tanzania, Mudane Mohamud Thabit Kombo, waxaana qeyb ka ah
Wasiirka Kheyraadka iyo Dalxiiska Pindi Hazara, Wasiir ku xigeenka Caafimaadka
Dr. Godwin Mollel iyo Taliye ku xigeenka Ciidamada Dowladda Tanzania, Saalim Haji Osman.
Fakarkaaga ka dhiibo