Haddii uu maanta jiro maamul iyo deegaan aan talo qumman haseyeeshee qaraar siin lahaa wuxuu noqon lahaa Khaatumo State, waxaanan kula talin lahaa in aanay galin wax dagaal la
yiraahdo oo danbe nuucii uu doono ha noqdo’e, oo aanay noqon bulsho cadiifad iyo laablakac ku shaqeeysa.
Waxaan intaas ku kabi lahaa in ay xoojiyaan maamulkooda curdunka ah, xiriir fiicanna la yeeshaan kan talada Hargeysa hadda la wareegay.
Aan dib u qooraansanno taariikhda dagaal ee 1977 na dhexmaray innaga iyo xabashida iyo
midkii 2007 maxaakiimta iyo dowladdii Imbagaati ee madaxweyne Abdullahi Yusuf.
Soomaaliya oo fagtii hore guul weeyn ka gaartay dagaalkiin77 waxaa lagula taliyay in ay
xabadda joojiso markii ay dhulkii Soomaali Galbeed la wareegtay. waan diidnay waana ku soo jabnay dagaalkii.
2006, Maxaakiimtii waxeey la wareegeen Koonfur dalka oo dhan waxaana lagula taliyay in
ay guushooda ilaashadaan oo aanay Baydhabo weerarin. waa diideen, Baydhabo ayay
weerareen waana ku soo jabeen.
Khaatumo maanta guul weeyn ayay joogtaa siyaasad ahaan iyo difaac ahaan-ba, waa in
aanay dagaal danbe gelin oo ay maamulka dhisan xoojiyaan dagaalna ka fogaadaan arrin
ceerigaabana caqli, xikmad iyo diblomaasiyaddii AUN Danjire Qeybe oo kale ku wajahaan.
Waan ogahay waa talo aan xaq aheeyn, xanuun badan balse uu xalkiinna muddada dheeri ku jiro.