Ankara-Turkey November 26, 2024: Guddiga Saaxiibtinimada ee Baarlamaanada
dowladdaha Soomaaliya iyo Turkiga oo booqasho rasmi ah ku jooga Turkiga ayaa la
kulmay Guddoomiyaha Baarlamaanka ee Dowladda Turkiga mudane Numan Kurtulmus.
Kulanka ayaa looga hadlay tababarada howlwadeenada Baarlamaanka Soomaaliya,
dhismaha xarunta Baarlamaanka oo ay horay u balan qaadeen, dhismaha Safaaradda
Soomaaliya ee Ankara oo hada meel wanaagsan mareysa, qorshihii lagu dhisi lahaa iyo in
Baarlamaanka Soomaaliya ay kala shaqeeyaan doorashooyinka qof iyo codka ah farsamo ahaan iyo waaya aragnimo.
Guddoomiyaha Baarlamaanka ee Dowladda Turkiga Mudane Numan Kurtulmus ayaa
xubnaha Guddiga Saaxiibtinimada Baarlamaanada Soomaaliya iyo Turkiga kaga
mahadceliyay booqashada rasmiga ah oo ay ku joogaan Turkiga, isagoo balan qaaday inuu
ka shaqeynayo sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada Baarlamaan.
Dhanka kale guddiga saaxiibtinimada ee Baarlamaanada Soomaaliya iyo Turkiga ayaa la
kulmay dhigooda dalka Turkiga, iyagoo kala hadlay horumarinta iyo dardar gelinta labada
guddi si loo gaaro hadafka labada guddi loo magacaabay.
Ugu dambeyn Guddiga ayaa kulan muhiim ah la qaatay Guddoomiyaha guddiga
Waxbarashada, Dhaqanka, Dhalinyarada iyo Cayaaraha mudane Xildhibaan Mahmut
ÖZER, waxana kulanka diirada lagu saaray horumarinata waxbarashada Soomaaliya iyo
sidii dowladda Turkiga gacan ugu geysan lahayd in la dhiso iskuulo badan iyo kuwa farsamada gacanta ah..