Hantidhowraha Guud ee JFS, Axmed Ciise Guutaale, ayaa shirkan ka jeediyay khudbad
kooban, waxa uuna si gaar ah u tilmaamay doorka muhiimka ah ee ay SICPA ku leedahay
horumarinta xirfadda xisaabiyeyaasha Soomaaliyeed, kor u qaadista hufnaanta,
daahfurnaanta maaliyadeed iyo dowlad wanaagga iyo xaqiijinta kalsoonida nidaamka maaliyadda Soomaaliya.
Hantidhowraha Guud waxa uu, sidoo kale, bogaadiyay dadaalka SICPA ee ku aaddan
dhiirigelinta xisaabiyeyaasha, isaga oo ku booriyay in ay sii wadaan hawlahooda diyaarinta
xirfadlayaal la jaanqaadi kara kuwo caalamka xisaabtu waxay kaalin uga jirtaa horumarka dhaqaalaha wadanka.
Shirkan ayaa dhiirigelinaya wada-shaqeyn dhex marta hay’adaha maaliyadda iyo kuwa
xisaabiyeyaasha, si loo gaaro horumar dhaqaale oo ku saleysan isla-xisaabtan iyo hufnaan
hadii ay xisaabiyayaasha ay daacad ka noqdaan waxaa shaqadooda waxaa hubaal ah in laga dareemi doona shaqada ay wadanka u hayaan.