Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya waxaa maanta lagu sameeyay isku aadka horyaalka heerka 1-aad (Somali National League) xilli ciyaareedka 2024/2025.
Wakiilo ka socda kooxaha fasalkaan ka qeybgalaya horyaalka ayaa soo xaadiray iyadoo waaxda tartamada ay agaasimeen hanaanka isku aadka.
Gasco & Madbacadda ayaa ku cusub horyaalka xilli ciyaareedkaan halka Saxafi & Midnimo ay ka maqan yahiin maadaama ay u laabteen heerka labaad.
Sidoo kale Horyaalka waxaa difaacanaya kooxda Dekeddaha oo sanadkii hore iyadoo aan laga adkaan kor u qaaday koobka.
Madaxweynaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya Mudane Cali Cabdi Maxamed ayaa goobjoog ahaa iyadoo ay wehliyaan ku xigeenkiisa C/rashiid Cabdulle Maxamed & Xoghayaha guud Dr. Yuusuf Muxiyadiin Axmed.
Madaxda Xiriirka & waaxda tartamadaba waxey faah-faahin dheeri ah siiyeen wakiilada ka socday kooxaha
Kulanka furitaanka horyaalka Somali National League xilli ciyaareedka 2024/2025 waxaa 30-ka November ciyaari doona kooxaha Raadsan SC & Heegan SC
Fasalkaan waa markii ugu horreysay ee la isticmaali doono barnaamijyada (Club License Online Platform) & FIFA Connect.
Waa xilli ciyaareedkii labaad oo uu horyaalka Somali National League taabagalineyo Bangiga IBS kaas oo heshiis shan sano ah la galay xiriirka kubadda cagta.