Muqdisho-Soomaaliya, 02 November 2024: Kulan wadajir ah oo aan caadi ahayn oo ay yeesheen Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ajendihiisu wuxuu ahaa hadal jeedinta Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud.
Kulanka waxaa shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo uu wehliyo Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo sidoo kale kuxigeenadda Labada Aqal.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad dhinacyo badan taabaneyso u jeediyay Xildhibaanadda Baarlamaanka labadiisa aqal ayaa ka hadlay guulaha laga gaaray dagaalka dalka looga ciribtirayo Khawaarijta, damaca gurracan ee dowladda Itoobiya, arrimaha siyaasadda iyo doorashooyinka.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka codsaday mudanayaasha Baarlamaanka iney dib u dhigtaan fasaxooda kalfadhiga 5-aad oo ay bil dheeraad ah sii shaqeeyaan si ay waajibkooda ugu gutaan shuruucda doorashooyinka ee Golaha la horgeynayo maalmaha soo socda, kuwaas oo dalka u horseedaya doorasho qof iyo cod ah.Hadal jeedinta Madaxweynaha ka dib Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka dalka ayaa cod gacan taag ah ugu codeeyay codsiga Madaxweynaha, waxaa ogolaaday 181 Xildhibaan, waxaana diiday 12 Xildhibaan.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe oo kulanka soo xiray ayaa xildhibaanadda uga mahadceliyay sida ay ugu tanaasuleen danta qaranka oo ay u ogolaadeen iney sii shaqeeyaan.