4 Nov 2024 lagu qabtay magaalada Baydhabo. Waxaa kulanka ka soo qeybgalay masuuliyiinta iyo howlwadeenada Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha & Tacliinta Sare DKGS iyo Maamulada Dugsiyada degmada Baydhabo.
Wasiir Ku xigeenka ayaa kulanka furay, soona xiray. Ujeedada loo qabtay shirka ayaa ahaa in dib u eegis iyo wadatashi arimaha Waxbarashada lala yeesho maamulka dugsiyada.
Daahfurka ka dib, Xafiisyada kala duwan ee Wasaaradda Waxbarashada KGS ayaa soo bandhigay soo jeedimo kala duwan oo la xiriira arimaha Waxbarashada sida:-
- Ku dhaqanka iyo hagaajinta habraaca diiwaangelinta iyo keydinta Xogta ardayga.
- Dib u eegista qaladaadka Waxbarashada iyo soo jeedin talooyin lagu saxaayo.
- Dhameystirka manhajka, hirgelinta iyo dhaqangelinta saacadaha Waxbarashada oo ay ku jirto in maalinta khamiista ah la dhigto dugsiyada, taa oo amar ay ka soo saartay Wasaaradda Waxbarashada KGS.
- Dhibaatada Luuqadda Waxbarashada (Medium of Instruction), iyo talo soo jeedin Wax ka bedelka luuqadda Waxbarashada heerka dugsiga hoose dhexe.
- Caqabadaha ka taagan Qaadashada Shahaadooyinka
- Dhaqangelinta Siyaasadda Waxbarashada Aasaasiga ah ee la dadajiyay(ABE).
- Sameynta ololaha kor u qaadista Waxbarashada oo ay ka qeyb qaadanayaan dhamaan maamulada dugsiyada, ardada iyo Wasaaradda si ardayda aan Waxbarashada ku jirin loogu soo daro goobaha Waxbarashada.
- Dib u habeynta guddiyayada Waxbarashada Dugsiyada(CEC Reform)
- Baahida loo qabo in Far qurxinta iyo maadada jimicsiga ah laga dhaqan geliyo Dugsiyada.
- Natiijada Kormeerka Dugsiyada.
- Arimaha Imtixaanaadka, caqabadaha iyo talooyinka lagu sixi karo.
- Caqabadaha ka taagan Badelka Ardayda, xiliyada la ogolyahay, iyo ku dhaqanka habraaca badelka.
- Dhamaystirka Habraacyada iyo siyaasadda Waxbarashada Koonfur Galbeed Soomaaliya.
- Waxaa laga dooday XeerKaabaha Waxbarashada oo nuqulkiisa lagu soo bandhigay kulanka. Waxaa la sheegay inuu koobayo dhiirigelinta ardayga, ilaalinta xuquuqda ardayga, macalinka iyo maamulka. Doorka Waalidiinta ay ku leeyihiin arimaha Waxbarashada ee caruurtooda, xadgudubka iyo kutakrifalka awoodaha maamul iyo habraacyada hoos imaanaya sida: diiwaangelinta ardayga, isticmaalka Emiska, Imtixaanaadka iyo shahaadooyinka.
- Dhibaatada iyo Caqabadaha ay ku keeneen goobaha Waxbrashada Mobeelada(Smartphn).
Ugu dambeyn, kulanka oo lagu qaban doono gobolada kale ee KGS, ayaa waxaa ka soo baxay qodobada hoos ku xusan:-
- Sameynta labo guddii oo kala ah:
- Guddiga ololaha Waxbarashada
- Guddi ka qeyb qaadanaya hirgelinta iyo dhaqangelinta Elif-Maay, si manhajka waxbarashada loogu daro.
- Ansixinta Xeer kaabaha oo ay maamulada ku dareen/darayaan taladooda si faafin rasmi ah loogu sameeyo looguna dhaqmo.
- Fahamka siyaasadda ABE.
- Dhagaysiga talooyinka maamulqda ee horumarinta Waxbarashada taa oo taabanaysay dhinac kasta.
Shirka Waxaa soo xiray Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda, isaga oo si gaar ah ugu mahadceliyay Maamulada Dugsiyada iyo Howlwadeenada Wasaaradda oo maanta subixii ilaa makhribkii u taagnaa kulanka inuu guulaysto, natiijana la gaaro.