Wasaaradda amniga ayaa ka warbixisay Xaalada amniga guud ee deegaanada Jubaland iyo
howlgalo ay sameeyeen Ciidamada Jubaland oo jab xoogan lagu gaarsiiyay Khawaariijta.
Wasaaradda Gargaarka iyo Maareeynta Musiibooyinka ayaa golaha warbixin ka siisay
Gargaar ay wasaaraddu gaarsiisay dadka ku nool deegaanada xeebaha ee gobolka Jubada
Hoose halkaas oo Wasaaraddu ay maalmahii lasoo dhaafay dadka deegaanka u qeybinaysay
Gargaar loogu talagalay sidii dadka deegaanku ay uga soo kaban lahayeen firaaqa ku yimid
dhaqdhaqaaqa Ganacsiga iyo adeeg bixinta kadib markii ay duulaanka gardarada ah ku qaaday deegaanadaas Dowladda Federaalka ah.