Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in 2-dii sano ee ugu dambeysay dalka laga saaray ilaa 7 kun ee ciidamada ATMIS ah, kuwaas oo meelaha ay ka baxeen lagu wareejiyay Ciidanka Xoogga Dalka.
Madaxweynaha JFS ayaa sidoo kale sheegay in sanadka cusub uu bilaaban doono howlgalka cusub ee AUSSOM, kaas oo dalalka ka qeyb qaadan doona xulashadooda ay u madax-banaantahay Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Baarlamaanka Jamhuuriyadda ka hor sheegay in si dalka u aado hanaanka doorasho qof iyo cod ah Baarlamaanka looga baahan yahay inay dhameystiraan sharciyada muhiimka u ah doorashooyinka, isagoo ka codsaday Baarlamaanka in muddo bil ah ku daraan fasaxooda bishan.
Madaxweynaha JFS ayaa ku bogaadiyey dadka reer Somaliland hanaanka doorsho ee hadda ka socda, kaas oo muhiim u ah xal u helidda dhibaatooyinka ka jiro qeybo ka mid ah maamulkaas, isagoo sidoo kale dadka reer Puntland ku bogaadiyey doorashooyinka deegaanka ee halkaas ka dhacay.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh ayaa soo hadal qaaday xadgudubka Itoobiya ee dhulka Soomaaliyeed, waxuuna tilmaamay in meel kasta u istaageen sidii looga hortagi lahaa damacaaas waalan, isagoo u sheegay Ethiopia inaysan isku heli doonin xarunta Midowga Afrika iyo ku xadgudubka xeerarkii lagu aasaasay Ururka ee tilmaamay ilaalinta Madaxbanaanida dhuleed ee dalalka Afrika.
Golaha Baarlamaanka oo ka jawaabaya Codsiga Madaxweynaha ayaa ugu dambdeyn ansixiyey in dib loo dhigo fasaxa Baarlamaanka muddo bil ah, taas oo lagu dhamaystirayo Sharciyadda Doorashooyinka iyo Asxaabta dalka.