Carmo: 27 Novemhttp://MD. Mudane Siciia Abdullahi Deni ayaa dhegax dhigey Wado dhexmarta Degmada Carmo.ber 2024: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid
Cabdullaahi Deni ayaa dhagax dhigay dhismaha Wadada isku xirta Barxada magaalada iyo
kuliyada tababarka Ciidanka Booliska ee Carmo,.
Wadada la dhisayo oo laami laga dhigayo dhererkeeduna yahay 2KM, waxaa lagu dhisaya
qorshaha Dowladda ee ah isku- tashiga Dowlada Puntland oo mudooyinkii ugu danbeysey ka socdey deegaanada maamulka Puntland.
Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha
Wakiillada Mudane Maxamed Baari Shire , Goleyaasha Dowladda, Maamulka degmada ,
Guddiga horumarinta degmada, Shirkadda dhisaysa ee Midnimo volunteer group iyo qaar
ka mid ah bulshada degmada Carmo ayaa ka soo qeyb galey xarig jerka wadada.
Sida uu sheegey Madaxweyne Saciid Dani in dhamaan deegaanada Maamulka ay ka
bilaaban doonaan ma shaaric hormarineed oo loogu tala galey in dhamaan dadka deegaan
ka faaiideystaan mashaaricda ka socota maamulka Puntland.
Sidoo kale Madaxweynaha waxaa uu bulsha ku booriyey in ay isku tashadaan oo ay
hormariyaan deegaanada ya ka soo jeedaan gaar ahaan ganacsatada deegaan iyo masuuliinta
kale ee ka qeyb qaadan karto hormarinta deegaanada Puntland ee keliya yaanan la is dhihin dowlada ayaa dhiseysa ee ha noqoto dowlada hana kaabto.