Muqdisho, Diseembar,04, 2024; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,
Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta shir guddoomiyey kulan degdeg ah oo
muhiim ah kaas oo looga hadlayay la-dagaallanka maalgelinta argagixisada.
Kulanka waxaa ka qayb galay Guddiga Qaran ee NAMLC, hey’adaha amniga iyo kuwa
kale ee muhiimka u ah dowladda ayaa daba socda guulihii hore ee dowladu ka gaartay ladagaalanka maalgalinta kooxaha aragagixisada.
Shirkan ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta dadaallada lagu wiiqayo maalgalinta
argagixisada, waxaana kasoo baxay go’aanno adag oo lagu beegsanayo cid kasta oo ku lug yeelata maalgelinta falalka argagixisada.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa carrabka ku adkeeyey in gacan bir ah lagu
qaban doono cid kasta oo ka qayb qaadata dhaqdhaqaaq kasta oo lagu taageerayo maalgelinta argagixisada.
Madaxweynaha ayaa faray hay’adaha dowladda, gaar ahaan kuwa amniga, in ay qaadaan
tallaabooyin degdeg ah oo dhinacyo badan taabanaya, si loo joojiyo baadda ay kooxda Khawaarijta ka qaaddo shacabka Soomaaliyeed.
Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa digniin culus u diray ganacsatada iyo
shacabka Soomaaliyeed, isaga oo ku booriyey in ay ka digtoonaadaan la macaamilka
kooxaha Khawaarijta. Waxa uu caddeeyey in cid walba oo lagu helo ku lug lahaanshaha
maalgelinta argagixisada laga qaadi doono tallaabooyin adag oo waafaqsan sharciga.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa adkeyneysa dadaalkeeda ku aaddan ciribtirka
khatarta argagixisada si loo xoojiyo amniga iyo xasilloonida dalka iyadoo la rabi in lagu wareejiyo Amniga Dalka. https://www.dhegacadde.com