30, Nofeembar, 2024; Madaxweynaha Jambuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane
Xasan Sheekh ayaa khudbad taariikhi ah ka jeediyey Shir-madaxeedka Iskaashiga
Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC), isaga oo bogaadiyey iskaashiga iyo horumarka la gaaray tan iyo markii la Aas-aasay (EAC).
Shirkan oo ah kii ugu horreeyey oo ay Soomaaliya ka qeygbasho iyadoo xubin buuxda ah
ayay ka mid noqotay hoggaanka EAC ee sanadka soo socda iyadoo dalka Kenya loo
doortay guddoonka halka Soomaaliya ay noqotay Xogheynta Guud.
Madaxweynaha ayaa ballanqaaday in Soomaaliya ay la jaanqaadi doonto hiigsiga 2050 ee
himilooyinka iskaashiga dhaqaale ee Bulshooyinka Bariga Afrika. Wuxuu sidoo kale
adkeeyay inay Soomaaliya diyaar u tahay inay dowr firfircoon ka ciyaarto howlaha horyaala
EAC ee horumarinta, dhaqan-dhaqaale, ganacsi iyo isdhexgalka bulsho.
Dowladaha xubnaha ka ah EAC waxyaabaha ay sanadkan uga hadleen shir madaxeedka
waxaa kaloo ka mid ahaa addeegsiya Teknoolajiyada, canshuuraha, amniga, iyo xubnaha Maxkamadda EAC.
Soomaaliya ayaa horaantii sanadkan noqotay dalkii 8-aad ee ku biira Bulshada Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika.
Suluhu, waxa ayna labada Madaxweyne ka hadleen xoojinta xiriirka labada dal.