Masar ayaa si xooggan u muujisay taageerada buuxda ee ay u hayso
dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan xoojinta la-dagaallanka
argagixisada iyo horumarinta amniga iyo xasiloonida.
Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Masar iyo Soomaaliya ayaa si toos ah
uga wada hadlay Qadka taleefanka, iyagoo is dhaafsaday warbixinnadii ugu dambeeyay ee labada dhinac.
Labada wasiir waxay isku afgarteen in la sii xoojiyo iskaashiga, isla
markaana la qorsheeyo shir saddex geesood ah oo heer wasiir ah, kaas
oo u dhexeeya Masar, Soomaaliya, iyo Ereteriya, si loo hirgeliyo
heshiiskii hoggaamiyeyaasha saddexda dal ee ku saabsan wadajirka iyo
iskaashiga arrimaha gobolka, kaas oo lagu gaaray Asmara.
Bal maxay adiga kula tahay?