Ankara 12 December 2024: Waxaa magaalada Ankara lagu soo gabagabeeyay shir uu
garwadeen ka ahaa Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayip Erdogan una dhaxeeyey
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud Iyo Raiisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed.
Kulankan oo saacado badan socday ayaa waxaa labada dhinac ay ku heshiiyeen iyadoo lagu
saleynayo War Murtiyeedka wadajirka ee shirka ka soo baxay in dhammaan arrimahii la
isku haystey sida heshiiskii kihilaafka dhaliyay meesha laga saarey, ayna yihiin taariikh
tagtey, labada dalna ay u bilaabaneyso bog cusub oo ku saleysan is qaddarin iyo dhowrista
qaranimada, madaxbanaanida , midnimada iyo wadajirka dhuleed ee labada dal.
War Murtiyeedka ayaa waxaa sidoo kale lagu xusay in heshiis kasta oo dhacaya ay khasab
tahay in loo soo maro Dowladda Federaalka ee Somalia.
Arrimaha la xiriira adeegsiga badaha oo ku kooban ganacsiga waxaa labada dal u mari
doonaan hab sharciyeed labada dal faa’iido u leh oo qeyb ka qaadanaya horumarinta
dhaqaalaha, laguna saleynayo dhowrista qaranimada, madaxbanaanida, midnimada iyo
wadajirka dhuleed ee Somalia, si waafaqsan sharciga caalamiga ah.
DFS waxay si mug leh ugu mahadnaqeysaa Madaxweyne Erdogan, shacabka iyo dowladda
Turkiga, martigelinta kulankan iyo dadaalkii ay muddada 8-da bilood ku bixiyeen ka mira
dhalinta xasaraddan ka aloosneyd Geeska Afrika.