Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka 2-aad ee Dalka, mudane Cabdisalaan Cabdi Cali Dhaay, ayaa maanta ka qeyb galay munaasabad lagu guddoonsiinayey shahaadooyin 34
arday.Ardeydaan oo ka qalinjabiyey barnaamijka Waxbarashada Heerka Labaad ee
Takhasuska Isku-dhafka Maareynta Kheyraadka Biyaha oo in mudo ah baadi goob loogu jirey takhasuskaan Maareynta Biyaha.
Munaasabadan waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Tamarta iyo Biyaha, Wasiirka
Waxbarashada, Safiirka Dowladda Sweden u fadhiya Dalkeena Soomaaliya, iyo marti
sharaf kale oo ka soo qeyb gashey shahaado siinta ardeyda .
Barnaamijkaan waxbarasho ee muhiimka ah ayaa markii ugu horreysay waxaa iska
kaashanaya Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed iyo Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha ee
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, taasoo gacan ka geysata horumarinta aqoonta iyo xirfadaha sare ee maareynta kheyraadka biyaha ee dalka.
Sida aanu wada ognahay waxaa baahi weyn loo qabaa maareynta Kheyraada Biyaha
wanadkeena waa markii ugu horeysey ardey noocaan ah oo baratey Takhasusukaan.