Shirkaan waxaa soo agaasintay Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska
Soomaaliya, waxaana Furintaankiisa ka hadlay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda ahna ku
simaha Wasiirka Mudane Cabdirahmaan Yuusuf Al-Cadaala, isaga oo sheegay in
Xukuumadda Soomaaliya ay xoogga saartay sidii loo mideyn lahaa fariimaha Dowladda,
iyo jihaynta shacabka Soomaaliyeed, isla markaana laga gaaray guulo wax ku ool ah.
Shirkaan oo muddo labo maalin ah ka socday magaalada Muqdisho ayaa waxaa looga
hadlay Muhiimada Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta Soomaaliya, iyo sidii loo mideyn
lahaa Fariimaha Dowladda iyo Maamulada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka.
Maalinkii koowaad ee Shirka waxaa aad loo faaqiday saddex dood oo kala ahaa Maareynta
muhiimada Xiriirka Warbaahinta Xilligaan Casriga ah, hagaajinta iyo Mideynta fariimaha
hay’addaha kala duwan ee Dowladda, iyo Fududeynta Xaqa Xog Helista Warbaahinta iyo Dadweynaha.
Doodahaan waxaa ka qeyb galay Madax ka tirsan hay’addaha kala duwan ee dowladda,
khubarro dhinaca Warbaahinta ah, Siyaasiyiin iyo xiriirka dadweynaha, xafiisyada
Warfaafinta dowladda Federaalka, dowladaha xubnaha ka ah, wariyayaal iyo qeybaha kale ee bulshada.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane
Cabdullaahi Xayir Ducaale ayaa tilmaamay in ay madashan tahay fursad ay ku wada
hadlaan dowladda, Warbaahinta iyo dadweynaha si loo xoojiyo wacyi-galinta dadweynaha iyo kor u qaadista daah furnaanta dowladda.
Maanta oo shirka lasoo xiray, waxaa goobjoog ka ahaa Wasiiro ka tiran Dowladda Faderaalka Soomaaliya, Wakiilada Maamul goboleedyada, Maamulka G/Banaadir,
Dadka maanta ka qeyb galay shirka waxaa qeyb ka ahaa Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur, Wasiirka Qorshaynta XFS Maxamuud Beenebeene, Wasiirka Isgaarsiinta Maxamed Soomaali, Wasiirka Qoyska Bashiir Mohamed Jaamac Goobe,
Wasiir kuxigeenka Warfaafinta Cabdiraxmaan Al-cadaala, madax ka tirsan dowlad goboleedyada, gobolka Banaadir, wakiillo ka socda beesha caalamka iyo marti kale.
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabduqaadir Mohamed Nor ayaa shirka ka sheegay in Warbaahintu Door muhiim ah ka qaadatay dagaalka dalka looga xoreynaayo khawaarijta
“Guulaha laga gaaray Dagaalka Khawaarijta, warbaahinta waxay ka qaadatay Door muhiim ah, waxaa lasoo bandhigay Boobka iyo Dullaysiga Khawaarijtu ku haysay Bulshadii laga xoreeyay” ayuu yiri Wasiir jaamac.
Wasiirka Isgaarsiinta Soomaaliya Mudane Mohamed Aadan Moalim, ayaa xusay in shirkaan oo muhiim u ahaa midaynta fariimaha Dowladda si isku mid loogu wajaho dagaalka
Khawaarijta wuxuuna intaa ku daray ”Inaga oo kaashanayna Wasaaradda Warfaafinta Waxaan meesha ka saarnay kumanaan Akoonno Baraha Bulshada Khawaarijtu ku marin habaabinaysay Dadkeena”.
Sidoo kole Wasiirka Qorshaynta Xukuumada Maxamuud Cabdirahman Beenebeene oo Madasha ka hadlay yaa faahfaahin ka bixiyay sida uu dowlad dhiska iyo horumarka dalka
muhiim ugu yahay Qorshaha Horumarinta Qaranka oo mudooyinkii lasoo dhaafay ka socday Teendhada Afisyoone.
Masuuliyiintii goobta ka hadashay waxaa qeyb ka ahaa Wasiirka Qoyska iyo Xaquuqul Insaanka Mudane Bashiir Mohamed Jaamac Goobe. Waxaa uu xusay in warbaahintu door
muhim ah ku leedahay Midnimada iyo wadajirka Dadka Soomaaliyeed “Qofka waxay masuuliyad ka saran tahay ilaalinta Xuquuqda, warbaahintana waxaan ku boorinaynaa
inaysan waxyeelayn mideynta Bulshadeena” Gunnaanadkii waxaa Madasha ka hadlay Wakiilada ka socday sida Wakiilka ATMIS ee Soomaaliya wuxuu yiri “Horumarinta iyo
midaynta xiriirka Warbaahinta waxay muhiim u tahay ka hortagga been abuurka Khawaarijtu ay ku marin habaabinayaan bulshada”Ari Gaitnis oo ka socday xafiiska
Qaramada Midoobay ayaa isna sharaxamay muhiimda Madasha Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta Soomaaliya ” Istiraatiijiyadda xiriirka aad ayay muhiim inoogu tahay, ka UN
ahaan maadaama dadka Soomaaliyeed aan ka taageerno dhinacyo badan, waana talaabo horumar horseedi karta” ayuu ku daray hadalkiisa.
Dood ku saabsan la dagaalanka Xagjirnimada ayaa lagu soo xiray doodihii Madasha oo ahayd tii ugu horeysay ee Istiraatiyadda Xiriirka Warbaahinta.
Ku simaha Agaasimaha guud ee wasaaradda Mudane Cabdinaasir Xuseen Xasan ayaa uga dambeyn xiritaanka u mahad celiyay qeybaha bulshada, madaxda hay’adaha dowladda
Madasha Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta Soomaaliya ee maanta lasoo xiray oo ay qabashadeeda Wasaaradda uu ka taageeray Hawlgalka ku meel gaarka ah ee Qaramada
midoobay l UNTMIS ayaa filashadeedu tahay inuu horseed u noqdo Jihaynta Bulshada ee Dowlad dhiska, mideynta Fariimaha iyo sidii kor loogu qaadi lahaa wacyiga Bulshadeena.