Taariikh-ahaan afar Afar jeer ayay horay u dhacday in saraakiil soomaaliyeed ay ka tallaabaan xuduudka iskuna dhiibaan ciidanka Kenya ee xuduudka jooga.
[2] April 1992, sarreeye Gaas Jaalle Maxamed Siyaad Barre oo naftiisa kala baxsanaya
jabhadihii hubeeysnaa ayaa xuduudka dalka Kenya iska dhiibay kadibna magangalyo amni waydiistay.
[3] Jeneral Maxamed Siciid Xirsi Moorgan wuxuu ahaa sarkaalkii 3-aad ee xuduudka
Kenya galay sannadkii 1995/1997 markii ay jabiyeen isbaheysigii reer Galgaduud ee Kismaanyo qabsaday.
[4] Axmed Madoobe oo Kismaanyo ka saareen kooxdii ay heshiiska tookeeysiga maamulka
ah galeen ee Alshabaab lagana saaray magaalada ayaa sannadku markuu ahaa 2009 wuxuu isku dhiibay ciidanka Kenya ee xuduudka jooga.
Ugu danbeeyn shalay waxaa xuduudka Kenya iska dhiibay ciidan soomaaliyeed oo uu
hoggaaminayo sarkaal lagu magacaabo Xasan Ciraaqi oo awood-qeysi ahaan ku reer ah
saraakisha aan kor ku soo xusay, laakiin xirnaa calanka qaranka soomaaliyeed, si sharaf leh-na u dagaalamay.
Dhanka soomaalida kale, waxaa ugu dhawaa hoggaamihii maxaakiimta Shariif Sh. Axmed
isaguna isma dhiibin ee ciidanka mareeykanka iyo Kenyan-ka ayaa duurka ka qabtay isaga
oo ku dhumay dhulka howdka ah markii uu biyo u doonay saraakiishii maxaakiimta ee
Kudhaa oo isla soomaaliya ah ka galay duqeeymihii Mareykanka iyo xabashida January 2007.
Waxaa jirta jumlo dhawaan-gal ah oo la isticmaalo markii uu qof sheego wax sax-ahaan-
shahooda la isla qirsanyahay laakiin sheegistooda afka laga dhowrayo taas oo ah; “wixii buu fahmeeyaa” anna aan ula baxay.