Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed S/Guuto, Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa shir
gudoomiyay kulan gaar ah uu la qaatay Saaxibadda Beesha Caalamka ee daneeya arrimaha
Booliiska, iyadoo kulankaasi ay goob joog ka ahaayeen masuuliyiin ka socotay Wasaarada Amniga Gudaha iyo Xafiiska Amniga Qaranka.
Kulanka waxaa looga wada hadlay xoojinta taageerada deeq-bixiyaashu ay siiyaan Ciidanka
Booliiska Soomaaliyeed ee dhinacyada Tababarida Ciidanka, mashaariicda horumarineed iyo ka qeybqadashada Dagaalka.
S/Guuto, Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa sheegay in xiligaan oo lagu jiro dagaalka
ciribtirka kooxaha Khawaarijta ah ay muhiim tahay in la helo Ciidan Booliis ah oo la
wareega meelaha laga saaro argagixisada, isaga oo adkeeyay muhiimadda ay leedahay
taageerada beesha caalamka ee la xiriirta tayeynta dhismaha xarumaha Ciidanka.
Madaxdii ka socotay safaaradaha Mareykanka,Ingiriiska, Talyaaniga, UNSOM, UNSOS
POLICE, EUCAP, ATMIS POLCE, UNDP, IOM, UUNMAS, Adam Smith iyo IDLO ayaa
dhamaantood bogaadiyay Qorshaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed iyo doorka xafiiska
istiraatiijiyadda, si lamid ah howsha dardarta leh ee uu taliyaha wado, iyagoo ballan-qaaday
iney booliiska Soomaaliya gacan weyn ka siin doonaan sare u qaadista Aqoonta, tababarka, iyo agabka ciidanka boolihttps: