Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed
Laftagareen ayaa garoonka Diyaaradaha Dr Shaati-gaduud kusoo dhaweeyey wafdi uu
Hoggaaminayo Raisul Wasaraaha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Hamza Abdi Barre
Wafdiga Raisul Wasaaraha ayaa ka koobnaa Wasiiro heer Federaal ah iyo Xildhibaanno ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Wafdiga Raisul Wasaaraha ayaa u yimid ka qeybgalka sanad-guurada 6-aad ee
Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), oo ku beegan 19-ka Diseembar.