Wasaaradda Caafimaaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS oo soo gaba-gabeysay wareega koowaad ee barnaamijka Leyli Caafimaad oo ay ka faa’iideysteen Ardayda Soomaaliyeed.
Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS ayaa maanta ku dhawaaqday in lasoo gaba gabeeyay wareegga koowaad ee barnaamijka Leyli Caafimaad oo ay ka
faa’iideysteen arday Soomaaliyeed, kaasi oo xiritaankiisa ardaydii ka qeybgashay looga qaaday imtixaan lagu ogaanayo waxyaabihii ay ka faa’iideen.
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS Dr. Cali Xaaji Aadan ayaa
u hambalyeeyay dhammaan ardaydii ka qeybgalay barnaamijka Leyli Caafimaadka, isagoo
ku amaanay dadalkooda iyo sida ay uga go’antahay inay kor u qaadaan xirfadooda caafimaad.
Barnaamijka Leyli Caafimaad waxaa uu saldhig u yahay horumarinta xirfadaha Caafimaad
ee ardayda Soomaaliyeed, kaas oo qeyb ka ah tayeeynta shaqaalaha Caafimaadka dalka ,
iyagoo Wasaaraddu uga mahadcelisay dhammaan hey’adaha iyo goobaha caafimaad ee ka qeyb qaatay tababarka.