Baydhabo, 12 Diseembar 2024 :–Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Koonfur Galbeed
ayaa qabatay shir looga hadlay barnaamijka layli caafimaad (Internships program) ee ardada
kuliyadaha Caafimaadka Jaamacadaha ee Magaalada Baydhabo.
Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya
ayaa maanta si rasmi ah u qabatay shir muhiim ah oo loogu talagalay jaamacadaha bixiya kuliyadaha caafimaadka ee ku yaala Magaalada Baydhabo.
Shirka oo ka dhacay hoolka shirarka ee Wasaaradda Caafimaadka ayaa waxaa furay
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda mudane Dr. Ibrahim Adan Ali Soomow.
Kulankan ayaa looga gol lahaa in lagu xoojiyo iskaashiga u dhexeeya kuliyadaha
Caafimaadka, xarumaha caafimaadka, iyo Wasaradda, iyada oo ajandaha shirka uu diiradda saaray qodobbo muhiim ah oo ay ka mid yihiin:
• Soo bandhigidda hagaha cusub ee ku saabsan tababarka ardayda caafimaadka ku qaadanaya Isbitaalada, si ardey tayo leh uu u soo baxo.
• Ka hadalka anshaxa shaqo ee goobaha caafimaadka.
• Soo jeedinta habraacyo lagu tayaynayo isbitaallada iyo xarumaha caafimaadka ee martigelinaya ardayda layli caafimaad ku jira.
• Ajandaha cusub ee caafimaadka ee Wasaaradda, oo ku saleysan yoolka Gaarista Busho Caafimaad Qabta (SDG Goal 3).
Shirka ayaa waxaa kasoo qayb galay wakiillo sare oo ka socday jaamacadaha bixiya
kuliyadaha Caafimaadka, kuwaas oo muujiyay sida ay uga go’an tahay kor u qaadista
xirfadaha ardayda caafimaadka iyo tayada adeegyada caafimaad ee bulshada.
Wasaaradda Caafimaadka ayaa ka go’an inay sii wadi doonto dadaallada ku aaddan
horumarinta caafimaadka iyo tababarka ardayda caafimaadka, si loo gaaro himilada guud
ee bulshada caafimaad qabta.