Wasiir ku xigeenka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS oo aqoon isweydaarsi ku
saabsan xiriirka Warbaahinta iyo Maareynta shirarka dowladda u soo xirey hawlwadeenada
xiriirka Warbaahinta ee Hay’adaha dowladda Federaalka.
Tababarkani oo socday muddo seddex maalmood ah ayaa ujeedkiisu ahaa kor u qaadista
hagaajinta xiriirka Warbaahinta iyo dadweynaha ee hay’adaha dowladda Federaalka
Soomaaliya waxaana ka qeyb galay in ka badan 40 xubnood ka kala socda xafiisyada
xiriirka Warbaahinta ee Hay’adaha dowladda Federaalka.
Danjire Yusuuf Garaad oo kamid ahaa khubarada tababarka bixisay ayaa xusay in muhiim
tahay in la joogteeyo tababarada noocaan ah si kor loogu qaado xirfadda howlwadeenada xafiisyada warbaahinta ee hey’adaha dowladda.
Mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta,
Dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa sheegay in diiraddu tahay horumarinta hab warbaahineedka
xogta dowladda, isaga oo u mahad celiyay Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya
(ATMIS) oo aqoon isweydaarsigani ka taageeeray Wasaaradda.
Wasiir ku xigeenka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdiraxmaan
Yusuf oo soo xirey tababarka ayaa tilmaamay in aqoon isweydaarsigani ahmiyad weyn
siinayo wadashaqeynta iyo Iskaashiga ee Hay’adaha dowladda ee dhinaca Warbaahinta, xal
u helista caqabadaha dowladda ka haysta dhinaca baahinta iyo hab qoraalka shirarka iyo hawlaha warfaafineed ee dowladda.
Sidoo kale, wasiir ku xigeenka ayaa tilmaamay in xoogga la saaro sidii loo kasban lahaa
dadweynaha Isla markaana laga feejignaado kuwo caadeystay faafinta dacaayadaha ka
dhanka ah dalka iyo dowladnimada.
Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf, wasiir ku xigeenka Warfaafinta ayaa carrabka ku adkeeyay
in gudbinta fariinta dowladda uu xil weyn ka saaran yahay hawlwadeenada xiriirka
Warbaahinta ee dowladda Isla markaana diiradda Wasaaraddu saarayso kor u qaadista xirfadda iyo awoodda hawlwadeenada.