Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Cabdullaahi
Sheekh Ismaaciil Fartaag, oo ay wehliyaan Wasiiro, Xildhibaano ka tirsan BFS ayaa maanta
la kulmay maamulka degmada Garbahaareey iyo hoggaannada qeybaha kala duwan ee bulshada ee magaaladasi.
Kulankan ayaa looga hadlay arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin xoojinta amniga, kor u
qaadista adeegyada bulshada, iyo horumarinta wada shaqeynta u dhaxeysa dowladda iyo
bulshada deegaanka. Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa dhageystay sidoo kale warbixinno ay soo
bandhigeen maamulka degmada iyo qeybaha bulshada kuwaas oo ka hadlay baahiyaha iyo caqabadaha haysta degmada.
Sidoo kale, Wasiirka ayaa bulshada ku boorriyay inay door weyn ka qaataan sugidda
nabadgelyada iyo taageeridda dadaallada dowladdu ku bixinayso amniga. Wuxuuna ballan
qaaday in dowladda dhexe ay sii xoojin doonto wada shaqeynta kala dhaxeysa maamulka
gobolka , kan degmada iyo in mudnaanta la siin doono baahiyaha muhiimka ah ee bulshada.