๐ ๐๐พ๐ฑ๐ถ๐๐ต๐ผ, 20-11- ๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐ฐ: Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Aadan Macalin (๐๐๐๐๐๐๐๐) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wafdi uu hogaaminayey madaxa ugu sareeya hay’adda UNDP ee Soomaaliya Mr. Leonel iyo xubno kale oo la socday si ay wasiirka ugala hadlaan xaalada Teknoolajiyada Dalkeen Soomaaliya iyo Meesha ay mareyso.
Kulanka dhex maray Wasiirka Isgaarsiinta XFS iyo madaxa ugu sareeya hay’adda UNDP
Soomaaliya waxaa diiradda lagu saaray xoojinta horumarinta iyo sara uqaadista Digital-ka
Dalka si ay u fududaato la jaan qaadka caalamka casriga eek u shaqeeya Teknoolajiyada.
Madaxa hay’adda UNDP ee Soomaaliya mr.Leonel ayaa balan qaaday inay wasaaradda kala
shaqeyn doonaan sara uqaadista Degitaalka maadaama ay wasaaradu ka shaqeyso Howlaha ugu muhiimsan ee dhanka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda.
Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada Soomaaliya mudane Maxamed Aadan Macalin ayaa dadaal adag ugu jira sidii loo tayeyn lahaa Teknolojiyada loogana faa’ideysan lahaa
khuburada ka gacansiin karta howlaha la xiriirta Degitalka iyo guud ahaan Teknolojiyadda Dalkeena Soomaaliya.