Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Dowlada Federalka
Soomaaliya, Mudane Axmed Xasan Aadan oo booqasho ku jooga dalka Turkiga.
Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Dawladda Federaalka
Soomaliya, Mudane Axmed Xasan Aadan oo booqasho ku jooga dalka Turkiga ayaa waxaa
si diirran usoo dhaweeyay Wasiirka Beeraha ee Dawladda Turkiye,Mudane Ibraahim Yumakli.
Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah iyo wafdigiisa ayaa soo bandhigay
qorshaha rasmiga ah ee horumarinta kalluumaysiga Soomaaliya iyo fursadaha maalgashi ee
loogu talagalay in ay ka faa’idaystaan labada dal ee saaxiibada ah.
Wasiirka Beeraha ee Turkiye wuxuu aad u soo dhaweeyay qorshahaan, asagoo soo jeediyay
in si degdeg ah loo fuliyo isla markaana sheegay in dhankooda ay siinayaan muhiimada
koowaad labada dalna u yahay mid ay si wadajir ah uga faa’iidaysan karaan.
Ugu danbeyn labada dal ayaa magacaabay labo guddi oo hawshaan dardar geliya oo ay
hoggaaminaayaan labada Agaasime Guud ee labada wasaaradood, xubnana ka yihiin
aqoonyahanno iyo xeeldheereyaal labada dhinac ka socda.