Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS oo aqoon isweydaarsi ku saabsan xiriirka warbaahinta iyo maareynta shirarka dowladda u furay hawlwadeennada xiriirka warbaahinta ee hay’adaha Dowladda Federaalka.
Tababarkani oo soconaya muddo saddex maalmood ah ujeedkiisu waa kor u qaadista hagaajinta xiriirka warbaahinta iyo dadweynaha ee hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaana ka qeyb galaya 40 xubnood oo ka kala socda xafiisyada xiriirka warbaahinta ee hay’adaha Dowladda.
Mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa sheegay in tababarkan diiradda lagu saarayo horumarinta hab warbaahineed ee xogta dowladda, isaga oo u mahad celiyay Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya oo aqoon isweydaarsigani ka taageeeray Wasaaradda.
Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Daa’uud Aweys Jaamac oo furay tababarka ayaa tilmaamay in aqoon isweydaarsigani ahmiyad weyn siinayo wadashaqeynta iyo iskaashiga hay’adaha dowladda ee dhinaca Warbaahinta, xal u helidda caqabadaha dowladda ka haysta dhinaca baahinta iyo hab qoraalka shirarka iyo hawlaha warfaafineed ee dowladda.
Wasiir Daa’uud ayaa intaa ku daray in tababarkani uu qeyb ka yahay qorshe Wasaaradda Warfaafinta oo kaashanaysa hay’adaha dowladda ay ku xoojinayso la falgalidda dadweynaha, fududeynta xog helidda warbaahinta iyo isku xirnaanta hay’adaha dowladda.
Iyada oo laga fogaanayo isbarbar yaaca farriimaha dowladda lana xoojinayo farriin mideynsan, si fiican loo diyaariyay, una qaabaysan gudbinta ajandaha dowladda ee gaarista Soomaaliya nabad ah, barwaaqo ah, iskuna filan.