Baraawe, 9 Diseembar 2024:- Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka mudane Mohamed
Osman Haji Abdi iyo wafdi Wasiiro iyo lataliyaal ah ayaa safar shaqo ku gaaray
Magaaalada Baraawe ee Caasimada Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Wafdiga ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay Maamulka Degmada oo uu
horkacaayo Gudoomiyaha ahna Duqa Magaalada Baraawe mudane Cumar Cabdulle
Maxamed, ku xigeenadiisa iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka mudane Mohamed Osman Haji oo bulshada kula hadlay
xarunta Degmada ayaa ka mahadceliyay soo dhaweynta loo saameeyay iyo sida bulshada
reer baraawe ay ugu heelan tahay horumarka dowladnimo.
Mudada Wasiirka uu ku sugan yahay Magaalada Baraawe waxaa uu u kuurgali doonaa
xaaladaha caafimaadka bulshada, habsami u socodka adeegyada caafimaadka degmada iyo
qiimeynta halka ay marayaan howlaha horumarinta kaabayaasha caafimaadka ee
Wasaaradda Caafimaadka ay ka wado Caasimada Dowladda Koonfur Galbeed ee Baraawe.