Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa
kaga Mahad celiyay dowladda aan walalaha nahay ee Turkiga,
Wasaaradda Gaashaandhiga XJFS oo kaashanaysa dhiggeeda dalka Turkiga ayaa iyada oo
ka duuleysa tilmaamaha madaxda Qaranka ee ku aaddan tayeynta iyo horumarinta Ciidanka
Xoogga Dalka Soomaaliyeed, si ay ugu filnaadaan mas’uuliyadda la wareegida Amniga
dalka, ayaa waxaa tababar heerkiisu sareeyo loogu soo xiray magaalada Isparta ee dalka
Türkiye, Afar Urur oo katirsan Kumaandooska Gorgor ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa
kaga Mahad celiyay dowladda aan walalaha nahay ee Turkiga, garab istaaga hagar
la’aaneed ee ay u muujisay dowladda iyo dadka Soomaaliyeed.
Ciidamada tababrka loo soo xiray ayaa qeyb ka noqon doona howlgalada xooggan ee
Ciidamada Qaranku ay dalka kaga xoreynayaan Khawaarijta iyo difaaca Qarannimada
ummadda Soomaaliyeed, iyada oo laga hortagayo cadowga gudaha iyo kan dibadda.