Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Amb.Khadiija Maxamed Almakhzoumi iyo
Wasiirka Xanaannada Xoolaha XFS Xasan Xuseen Maxamed ayaa ka qeyb galay furitaanka
rasmiga ah ee shirka caalamiga ah ee COP16, oo sanadkan lagu qabanayo magaalada
Riyaad, ee Boqortooyada Sacuudiga iyadoo intabada marba wadan lagu qabto shirkaan.
Soomaaliya ayaa qeyb ka ah taageeridda dadaallada caalamiga ah ee lagu xallinayo
caqabadaha isbeddelka cimilada, iyadoo shirkaan xoogga lagu saarayo adkeysiga deegaanka
si loo ilaaliyo mustaqbal waara oo loo wada dhan yahay ee aduunka dhoodha yak u mideysanyihiin.
Sidoo kale, Shirka #COP16 waxa uu fursad muhiim ah u yahay in Soomaaliya ku muujiso
dadaalkeeda dhinaca deegaanka, isla markaana ay xoojiso iskaashiga caalamiga ah ee la
dagaallanka cimilada sii xumaanaysa maadaam soomaaliya laga dareemaayo isbedelka
cimilada aduunka sanadihii ugu danbeeyey ayaa la dareemayaa in ay soomaaliya lagu arkey roobab xoogan iyo abaaro isdaba jog ah.