Xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta ayaa ku guuleystay markii ugu horreysay inuu fuliyo habka ruqsad siinta barnaamijka (CAF Club Licensing Online Platform (CLOP) ee kooxaha heerka koowaad ee dalka.
Barnaamijkaan waa madal online ah oo kooxaha ka saacidaya iney helaan ruqsad maxali ah oo ay ku ciyaari karaan horyaalka heerka koowaad ee dalka & mid heer qaarad ah oo ay ku ciyaari karaan tartamada ay qabtaan xiriirka qaaradda Afrika ee (CAF).
Dhamaan kooxaha ciyaari doona horyaalka Somali National League 2024/2025 ayaa buuxiyay shuruudaha lagama-maarmaanka ah ee looga baahan yahay iney buuxiyaan ee dhanka maamulka & dhismaha kooxda, waxeyna heleen ruqsad ay ku ciyaaraan tartanka horyaalka.
Waa markii ugu horreysay oo kooxaha heerka koowaad shuruud looga dhigo iney helaan ruqsadaan si ay u ciyaaraan tartamada maxaliga ah, waana nidaam ay soo kordhiyeen xiriirka qaaradda Afrika ee CAF.
Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya wuxuu bogaadinayaa dhamaan kooxaha heerka koowaad ee dalka oo si xirfadlenimo ah u buuxiyay shuruudaha isla markaana sahlay in Soomaaliya ay ka mid noqoto dalalka aan badneyn ee isticmaalay barnaamijkaan dhawaan lasoo kordhiyay.
12-ka kooxood ee ruqsadaan helay:
- Dekeddaha,
- Horseed,
- Heegan,
- Mogadishu City Club,
- LLPP Jeenyo,
- Raadsan,
- Madbacadda,
- Badbaado,
- Gasco,
- Elman,
- Jazeera,
- Gaadiidka.