Ciyaartoyda Xulka Soomaaliya ee 15-jirada ayaa maanta u safray dalka Uganda si ay uga
qeybgalaan isreeb-reebka Koobka Iskuulada Afrika (Qeybta bariga & bartamaha), waxeyna
kula loolami doonaan qeybta wiilasha dalalka Uganda, Tanzania, Kenya & Burundi.
Tartankaan waxaa loo ciyaari doonaa qaab horyaal ah, dhamaan xulalka ka qeybgalaya ayaa
is wada arki doona, waxaana guuleysan doona xulka ugu dhibcaha badan oo si toos ah uga
qeybgali doona tartanka CAF African Championship ee dhici doona 2025.
Waa markii 3-aad oo tartankaan la qabanayo, waxaana dhamaan kulamada lagu ciyaari
doonaan garoonka St. Marys Stadium ee magaalada Entebbe.
Wiilasha yaryar ee Ocean Stars waxaa hogaaminaya Mahad Mohamed Xaaji “Maicon”
Madaxweyne ku xigeenka 2-aad ee Xiriirka Kubadda Cagta C/rashiid Cabdulle Mohamed & Xubin ka tirsan guddiga fulinta Bashiir Salaad Barre ayaa ciyaartoyda matalaya qarankeena sagootiyay.
Waxaan u rajeyneynaa ku guuleysiga tartanka